Siyaasada Arimaha Dibada

Macnaha Guud ee Siyaasadda Dibadda Soomaaliya

Halgannadii dheeraa ee ay Soomaaliya u gashay sidii ay uga xoroobi lahayd gumeysigii, keli-taliskii militariga iyo colaadihii sokeeye ayaa qaabeeyay Siyaasaddeeda Dibadda. Aasaasayaashii Jamhuuriyadda ayaa iftiimiyay isku xirnaanshaha muddada-dheer ee u dhexeeya madax-bannaanida qaran iyo xoriyadda weyn ee aadanaha, sinnaanta iyo xuquuqda muran la’aanta ah ee dhaxalka la wadaago.

Soomaaliya waxay lawareegtay booskeedii dowlad madaxbanaan iyo jilaa xiriirka caalamiga ah markii ay xornimada qaadatay Luulyo 1960. Siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya waxaa hagta aaminsanaan adag oo ah in mustaqbalkeeda gaarka ah aan laga maarmi karin xasilloonida iyo amniga deegaankeeda. Nasiib darrose, xasilloonidaas iyo nabadgelyadan waxaa wiiqay afgambigii dhicisoobay ee 1969, oo uu ku kacay xukun aan dimuqraadi ahayn oo socday 21 sano ka dibna in ka badan labaatan sano oo dagaal sokeeye iyo argagixisanimo ah.

Maanta ummaddu waxay u guureysaa nidaamka wadajirka ah iyo dimuqraadiyadda. Si istaraatiijiyad ahaan loogu meeleeyo dalka fagaarayaasha caalamiga ah, qaabeeyayaasha Siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya waxay dejiyeen hanaan wax ku ool ah oo ay ku wargelinayaan mabaadi’da istaagtay waqtiga. Habkan ayaa looga dan leeyahay in lagu hubiyo in Soomaaliya ay abuuri karto iskaashi faa’iido leh

Scroll to Top