Passports

WARGELIN :

  • Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay bulshada Soomaaliyeed ee deggan dalkan Turkey ku wargelinaysaa in ay bilowday cusboonaysiinta baasaboorrada . Annaga oo ka feejigan faafista xanuunka COVID-19 waxaanu idiin samaynnay boggan oo aan ugu talo galnay in dadku ballanta ka samaystaan ka hor inta aysan safaaradda iman si loogu sameeyo baasboorka.

F.G.

  • Si loo cusboonaysiiyo baasaboorka waa in ay ka hadhsantahay taariikhda dhicintaankiisa ugu badnaan lix bilood.
  • Baasaboorkaaga dhacaya ama dhacay safaaradda la imow.
  • Haddii baasaboorku kaa lumay waa in aad ka keentaa booliiska warqad caddaynaysa in uu kaa lumay.
  • Fadlan, ballanta lagu siiyo ha ka soo hormarin hana ka soo dib dhicin. Haddii ay dhacdo in aad ka soo dib dhacdo ballantaada ha imanin safaaradda ee ballan kale qabso.
  • Safaaradda waxaa iman kara qofka baasaboorka loo samaynayo oo keliya, qof kale ha soo kaxaysan haddii aysan jirin baahi kugu kellifaysa.
  • Lacagta baasaboorka waxaa lagu bixinayaa US Dollar keliya.

   Halkan ka qabso balanta   RIIX HALKAAN   Adeegga Negeeye

    Cillad Bixiyaha WhatsApp Fariin keliya: +905345933990

Scroll to Top