Adeegyada Safaaradda

Adeegga Negeeye

  • Adeegga Negeeye waa barnaamij ay hindistay oo hirgelisay Safaaradda
    Soomaaliyeed ee Ankara. Waa aalad u suurtagelinaysa in safaaraddu si sahlan
    ugu adeegto bulshada uga baahan adeegyada kala duwan; sida adeegyada
    Qunsilayadda iyo samaynta ama cusboonaysiinta baasaboorrada.
    Negeeye waa adeeg Internetka ku shaqaynaya. Wuxuu qofka u baahan si dhib
    yar u gaadhsiinayaa adeegyada Safaaraddu bixiso. Qofkii soo isticmaala Adeegga
    Negeeye wuxuu helayaa adeegga ama adeegyada uu dalbaday isaga oo gurigiisa
    jooga, oo aan u soo safrin Safaaradda meel kasta oo uu ka degganyahay dalka
    Turkey iyo waqti walba oo uu haleelo.

           Adeegyada safaarada RIIX

  • Negeeye waxaad ka dalban kartaa dhammaan adeegyada ama waraaqaha
    ay Safaaraddu ku gudbiso Adeegga Negeeye ee tooska ah “Online”.
  • Adeeggani wuxuu kale oo kuu samanayaa ballanta ama waqtiga aad ku
    imanaysid Safaaradda, si aad u samaysatid adeegyada aan tooska ahayn,
    ee laga fursan waayey in qofku Safaaradda u yimaaddo; sida samaynta
    ama cusboonaysiinta baasaboorrada, qorista wakaaladda hantida ma
    guurtada ah iwm.
  • Adeegga Negeeye wuxuu waraaqahaaga kaaga soo tasdiiqinayaa
    Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkey. Ka dibna wuxuu kuugu soo dirayaa cinwaanka (address) gurigaaga ama xafiiskaaga ee aad soo
    qoratay.
  • Adeegga Negeeye wuxuu mar walba kula socodsiinayaa heerka uu marayo
    adeegga aad ka dalbatay safaaradda. Isaga oo kaala soo xidhiidhi doona
    emailka iyo telefoon numberka aad iskaga diiwaan gelisay Negeeye.
  • Haddii aad sidaada isaga diiwaan gelisid adeegga Negeeye, waxaad heli
    doontaa wararka iyo fariimaha Safaaraddu dadwaynaha u soo gudbinayso. 

Halkaan Kadalbo Adeegyada safaarada RIIX

ama Laxiriir

Cillad Bixiyaha WhatsApp Fariin keliya: +905345933990

Markhaati-fur / Testmonial RIIX 

 

SOMALI EMBASSY ANKARA – SAFAARADDA SOOMAALIYA ANKARA
Scroll to Top