Dalxiiska

Abdiaziiz Mosque - one of the most historical places in Xamar
Jazeera-Beach-Somalia.

Soomaaliya waxay leedahay goobo dalxiis oo kala duwan oo baaxad leh dhulka, xeebta iyo duurjoogta. Waaxda dalxiiska ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ayaa bilaabay dib u soo nooleynta qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee dalxiiska dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa ay Wasaaradda Dalxiiska Dhaqanka cusub oo dalxiis soo diyaarisay Nidaamkani wuxuu qeexayaa guud ahaan maaraynta iyo soo nooleynta hey`addaha dalxiiska oo lala tashanayo dhammaan daneeyayaasha oo ay ku jiraan waaxaha gaarka loo leeyahay iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Aragtida Siyaasadda Dalxiiska Qaranka ayaa ah “Soomaaliya waxay martigalisaa dalxiisayaasha caalamiga ah sannadka 2030-ka” taasoo macnaheedu yahay in dalku gaaro heer lagu aqoonsan karo dalxiiska Afrika.

Waaxda Dalxiiska ayaa qorsheyneysa wadatashiyo ballaaran oo daneeyayaasha ah si wada jir ah dib loogu soo celiyo meelihii dalxiiska ee dalka oo dhan kaasoo soo jiidan doona Dalxiisayaasha Caalamiga ah iyadoo la raacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), kaasoo qeexaya baahida loo qabo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, hagaajinta xaaladda shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo abuurista dakhliga iyadoo loo sinnaanayo gobollada dalka iyo guud ahaan hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Major Airlines

Toursim Gallery

Scroll to Top